London (INO)- Wada hadalo nabadeed ayaa dhexmaraya dowladda Ethiopia iyo jabhadda e ONLF, oo muddo soddon sano ku dhaw ka dagaallamaysay gobolka Soomaalida Ogadenia.
Wada hadalka oo toddobaadkan horraantiisi lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya – ayaa waxa fududeeyay dowladda Kenya, iyadoona ay ka qayb galeen Wafdi ka socda Labada dhinac ee Ethopia ONLF.
Haddaba, waxaa Istuudiyaha BBC ee magaaladan London, soo booqday Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Jabhada ONLF Cabdiraxmaan Maxamed Shiikh Mahdi waxaana Laga waraystay wada-hadaladaas, isagoona sheegay inaanu ahayn mid qarsoodi ah.
Wafdiga ka socday Ethopia ayaa waxaa Hogaaminayey Wasiirka Gaashaandhiga, Sidoo kalana waxyaabaha ugu muhiimsan ee wada hadalka ayaa ah in lagaadho Xal siyaasi ah, oo laga Gudbo dagaalka.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, London.