Muqdisho(INO)-Kadib Dagaal dhiig badan uu ku daatay oo shalay ka dhacay Degmada Guriceel ayaa waxa hadda soo baxaya dadka cambaareynaya dagaalkaasi iyo baaqa la jeedinayo intuba.
Shiikh C/raxmaan Al Ansaari oo ka mid ah Saraakiisha Ahlusunada Gobollada Koonfureed ee Dalka Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay walaalo hal meel cadowga uga soo wada jeeday inay maanta qaarkood dagaalamaan kuwo kalena ay gadaal ka fiirsadaan.
Waxa uu ugu baaqay Al Ansaari dawlada Federaalka Soomaaliya inay deg deg ujoojiso dagaalka kasoo cusboonaaday Degmada Guriceel ayna codsanayaan in dagaal dambe uusan dhicin.
Shalay dagaalkii ka dhacay Guriceel waxa ku dhintay 13 qof oo ubadnaa ciidanka Ahlusuna iyo kuwa dawlada ee dagaalka uu dhexmaray waxaana jira dad ku dhaawacmay dagaalkaasi oo la dhigay Cusbitaalka Istarliin ee Guriceel ku yaalla.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho