Kurtunwaarey(INO)-Wararka ka imaanaya Degmada Kunturwaarey ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi qoysas badan ay biyo la’aan ku hayso, taasi oo xaalad adag keentay.
Cabdiraxmaan Sabdoow oo ah gudoomiyaha degmadaasi ayaa u sheegay Warbaahinta in biyo la’aan baahsan ay jirto, taasina ay keentay in dad badan ay biyo la’aan darteed ay u barakacaan waa sida uu hadalka u dhigaye.
Gudoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in sababata ugu weyn ee biyo la’aanta keentay tahay, wabigii oo biyo yareeyay, iyo sidoo kale Ceelashii biyaha oo aad ugu yar degmadaasi.
Waxa uu ka codsaday hay’adaha samafalka ah iyo shacabka Soomaaliyeed in gurmad deg deg ah ay lasoo gaaraan dadkaan xaaladda biyo la’aan hayso, si aanay noloshooda halis usii gelin.
Idale News Online, Kurtunwarey