Baydhabo(INO)-Wararka Ka Imaanayo Magaalada Baydhabo Janaay Ee Xarunta Gobolka Bay, ayaa Waxa Ay Sheegayaan in Maanta Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Qaar ka mid ah Gollahiisa Wasiirada Ay u amba baxeen dalka Itoobiya.
Booqashadan ayey noqoneysaa tii ugu horeysey ee Madaxweynaha KG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku tago dalka Itoobiya tan iyo markii loo doortey Hogaanka Maamulka KG Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa maalmaha kooban ee uu ku suganaan doono Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda ugu saraysa dalkaasi.
Sidoo kale, Dhowaan ayey aheyd ka dib markii uu safar uu ku tagey magaalada Nairobi halkaasoo uu kula soo kulmey qaar ka mid ah Madax ka tirsan beesha caalamka isla markaana sida la sheegey uu weydistey dhaqaalo dib looga dhisamyo degaanada Koonfur galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale magaalada Addis ababa ee xarunta dalka itoobiya waxa kale ku sugan isla markaana ay u yeertey dowlada itoobiya madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi weli maxamed Cali Gaas,kaasoo Booqashadii ugu dambeysay ee ku tago dalka Ethiopia ayaa waxaa uu heshiis kula soo galey shirkad kamid ah kuwa shidaalka ka baarta badaha.
Halkan Ka Daawo.
Cabdi Nuur Mayow Cali, Idale News Online, Xafiiska Baydhabo