Madaxweynaha Soomaaliya Oo Gaaray Degmada Dhuusamareeb

0
228

Muqqdisho(INO)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in goordhow uu gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

xasan

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Odayaasha Dhaqanka ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay Magaalo Madaxda Gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Soomaaliya.

Qorshaha waxa uu yahay in madaxweynaha uu soo xiro tababaro ciidan kuwa kalana ay uu u furayo Ciidamo kale oo taabacsan Dowladda.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha uu furayaa Shirka Dib u heshiisiinta Gobolada dhexe ee Soomaliya ee loogu gogal xaarayo dhismaha Maamulka Juba.