Guddi ay IGAD u xilsaartey maamul u sameynta Jubooyinka iyo Gedo oo cishooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa Muqdisho ayaa dib ugu laabtey Magaalada Nairobi oo ay markii horey ka yimaadeen, ka dib markii dowladdu Soomaaliyeed ay isku afgaran waayeen rasmi ahaanshaha guddiga matalaayo jubooyinka ee IGAD soo magacowdey, waxay dowladdu bedelkooda magacowdey guddi kale oo ka kooban dhinacyada ay quseeyo maamul u sameynta jubooyinka.
Dowladda ayaa soo jeediyey in 2da guddi ay iska soo dhex xulaan guddi rasmi ah oo ka shaqeeya maamul u sameynta jubooyinka iyo shirweyne laga yeesho heshiis waara oo laga gaaro khilaafka soo noqnoqdey ee Jubooyinka.
Go’aanka iyo magacaabista guddiga dowlada ee arrimaha jubooyinka waxay si aad ah uga careysiisey guddigii kale ee Nairobi ka yimid.
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegey in Gobalka Gedo aysan beel gooni ah matalin sida la mid ah goboladda jubooyinka waxuuna Carabka ku dhuftay in Gobalka Gedo Beelaha Raxanweyn ay qayb yihiin isla markaasina la’aantooda aan Gedo Maamul loo sameyni karin ama la raacin karin gobal ama maamul aysan iyagu raali ka aheyn ama aysan ku jirin. Waxaa Madaxweynaha fikirkaasi sidoo kale ka dhawaajiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari, oo isaga degmo ahaan ka soo jeedo Tuulo lagu magacaabo Jawaareey oo ka mid ah Jubbada Dhexe iyo qaar kale qowmiyada Mirifle ee Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
Dhanka kale Gudiga Farsamada Maamul usameynta Jubboyinka ayaa gaashaanka u duruuray hadalka ka soo yeeray Madaxda dowlada gaar ahaan madaxweynaha iyo afhayeenka barlamaanka Soomaaliya.
Madaxda Cusub ee dowlada Soomaaliya ayaa Urur goboleedka IGAD madaxdooda u soo jeediyey in dowladu ay ku howlan tahay in dhinacyada Somalida ee wada dega goboladaas ay iyagu ka tashadaan aayahooda iyo maamul u sameynta goboladaas koonfureed.
Lama garanayo siduu xaalka ku dhamaani doono ,Gudiga Farsamada ayaa sida wararku nagu soo gaarayaan galabta ka soo Duulay Muqdisho iyagoo caawa gaarey magaalada Nairobi oo ay horey guddigaan ka yimaadeen
Idale News Muqdisho