Muqdisho(INO)-Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa waxay ka hadashay meel marinta Xukuumada iyo Codka Kalsoonida ay shalay ka heshay Baarlamaanka Soomaaliya.
Gudoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay inay dareemayaan yadadiilo wanaagsan inay keeni karaan Golaha Wasiirada Cusub ee lasoo magacaabay.
Waxa uu sheegay Shiikh Bashiir inay kula dar daarmayaan Wasiirada inay ka shaqeyaan Hormarka dalka iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa dib udhiska socda.
Halkan Ka Dhageyso.
Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa muujisay in Xukuumada Soomaaliya Xubnaha loo soo magacaabay ay yihiin kuwo mudan in laga dhursugo shaqada ay qaban doonaan maadama ay yihiin Aqoon yahano iyo qurba joog dalka ka maqnaa.
Idale News Online, Muqdisho.