Muqdisho (INO) — Khilaafka Baarlamaanka Soomaaliya ka dhextaagan ayaa Cirka isku sii shareeraya marba marka kasii danbaysa tan iyo Sanadkii tagay, iyadoo Arrimahana ay salka kula jiraan Xafiisyada MD Xasan Sheekh & Ra’iisul Wasaaraha.
Warqad Mooshin ah oo ay ku saxiixan yihiin Xildhibaanno gaaraya 100 ayaa loo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka, gaar ahaan ku xigeenada Jawaari, taasi oo wali loo aqrin Baarlamaanka.
Xildhibaanada Mooshinka keenay, ayaa sheegay inaysan kuu aamin karin Jawaaro Gudoonka Baarlamaanka, maadaama uu yahay Shaqsi aan dhexdhexaad ahayn oo dhinac la saftay, danahiisana ka hormariya danta Qaranka.
Prof Jawaari ayaa lagu eedeeyay inuu ka danbeeyay Dib u dhigista Ansixinta Golaha Wasiiradda RW Cumar C/Rashiid, si aysan u weynin Kalsoonida, waxayna xuseen in uu la saftay Madaxweynaha.
Eedeymahan ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ay Xildhibaanada usoo jeediyaan Gudoomiyaha Jawaari tan iyo markii la aas aasay Baarlamaanka 2012, waxaana laga cabsi qabaa in Khilaafka uu sii daba dheereeyo oo Waqtiga looga lumiya Shacabka Soomaaliyeed.
Idale News Online – Xafiiska Muqdish