EU Oo Soo Dhaweeyay Meel Marinta Wasiiradda Cusub ee Xukuumadda CCC Sharma’arke

0
194

Muqdisho(INO)-Madaxda Ergooyinka Midowga Yurub ee Soomaaliya waxay soo dhaweynayaan ansixinta Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Golaha Raisal-wasaare Mudane Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Golaha Cusub wuxuu hadda haystaa oo u haray waqti yar si uu gutaa ujeedooyinka Dowladda Soomaaliyeed ee ku cad Hiigsiga 2016ka taasoo lagu saleyey kaalmada caalamiga. Howlaha hor yaala Hay’adaha Federaaliga waxaa ku jira gaar ahaan dhisidda maamulo ku meel gaar ah iyo sugida hanaan sax ah ee dib u eegista dastuurka laguna dhammaystiraa dhammaadka 2015 iyadoo ujeedadu tahay in la qabtaa codeynta dastuurka 2016ka iyo meel-marinta howlaha u diyaar ahanta doorashooyin uu hor-kacayo Guddiga Doorashooyinka Qaran ee Madaxa-banaan.

Dowladda Cusub waa in ay si dhaqsi leh uga jawaabtaa himilooyinka dadka Soomaaliyeed, kordhisaane gaarsiinta adeegya dadweynaha sida ku cad qaab-dhismeedka Cahdiga Cusub (New Deal Framwork).

Yagleelidda jawi nabadeed ee waafaqsan shirki Nabadgelyadda London waa inuu saan-qaadaa ahaadane mid amhamid sare leh. Dowladdu waxay u baahan tahay inay ku fulisaa niyad leh midnimo, gaarsiin wax-qabad iyo isla-xisaabtan.

Bishi November, shirki Copenhegan ee Madasha Iskaashiga Heerka Sare, Midowga Yurub wuxuu mar kale caddeeyey go’aankiisa ku aadan hanaanka Cahdiga Cusub. Wax ka qabashada agenda siyaasadda, nabadgelyadda iyo horumarinta ugu horeyn waa masuulinyadda maamuliyaasha Soomaaliyeed waxayna u baahan tahay balanqaad sugan oo joogta ah ee dhammaan shurakada Soomaaliyeed.

Midowga Yurub wuxuu sii wadayaa inuu la shaqeeyo Golaha Cusub iyo haya’adaha dolwadda dhammaan heer kasta si loo gaaro Hiigsiga Cusub ee 2016 iyo inuu ku taagyeero dhisidda Soomaliya Federaal ah, Madax-banaan, nabad iyo dimoqoraadi ah.

Idale News Online, Muqdisho.