Baydhabo(INO)-Qorshe lagu soo xulayo Xildhibaanada Barlamanka Maamulka Koofur Galbeed ayaa ka soconaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay sida ay sheegayaan Odayaasha kasoo jeeda Deegaanada Maamulkaasi.
Odayaasha Dhaqanka beelaha daga Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa hada bilaabay inay soo xulayaan xubnaha u matalaya Barlamanka Soomaaliya si loo dhameystiro dhismaha Maamulka.
Xildhibaanada ayaa lagu soo xuli doonaa Degmooyinka Gobolada Bay, Bakool, iyo Sh/hoose. macada tirada Xildhibaanada Barlamanka ee lasoo xuli doono.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhinaca kale laga sugayaa in uu soo dhameystiro xubnaha Gollaha Wasiirada ee ka dhiman Maamulkiisa.
Idale News Online, Xafiska Baydhabo.