South Korea oo sheegtay in ciidan dheeri ah ay u soo diri doonto Xeebaha Soomaaliya.

0
187

South Korea(INO)-Dowladda South Korea, ayaa waxay wadaa dadaalo kama dambeys ah oo ciidan dheeri ah ay ugu soo direyso Xeebaha Somaliya, si ay ugula dagaalamaan kooxaha burcad badeeda Somalida

Admiral Hwang Ki-chul, Madaxa Shaqaalaha ee Ciidanka Badda ee South Korea, ayaa daboolka ka qaaday in Dowladdiisu ay Xeebaha Somaliya u soo diri doonto dufcaddii 18-aad ee Ciidanka la dagaalanka burcad badeeda toddobaadyada soo socdo.

 SouthKorea-and-US

Wuxuu sheegay in Ciidamadaan oo wata mid ka mid ah maraakiibta dagaalka, ay si rasmi ah kaga hawlgeli doonaan Gacanka Cadmeed.

Wuxuu afka ku ballaariyay in Ciidamadaan ay bishi Maarso ah gaari doonaan Xeebaha Somaliya, ayna ka hawlgeli doonaan ilaa bisha September ee sanadkaan, sida uu yiri.

Ki-chul wuxuu Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Badda ee South Korea inay ka hortaggi doonaan weerarada ka dhanka ah maraakiibta shisheeye ee adeegsanaaya Xeebaha Somaliya, si ay meesha kaga saaraan khatartooda, sida uu yiri.

South Korea waxaa horey Xeebaha Somaliya uga joogay dhowr ka mid ah maraakiibteeda dagaalka, waxaana lagu eedeeyaa inay qayb ka yihiin maraakiibta shiseeye ee guranaaya kheyraadka dalka iyo dadka Somaliyee.

Idale News Online,South Korea,