Daawo:Xuutiyiinta Dalka Yemen Oo Kala Direy Baarlamanka Dalkaasi

0
210

Sanca(INO)-Mucaaradka Shiicada ah ee Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa ku dhowaaqay in ay xukunka la wareegeen ayna kala direen baarlamaankii dalka Yemen.

War laga sii daayay taleefishinka dalka Yemen ayaa kooxda Xuutiyiinta waxa ay ku sheegeen in gole ka kooban shan xubnood ay si kumeelgaar ah u maamuli doonaan dalka Yemen.

Kooxdan ayaa la wareegtay caasimada dalka Yemen ee Sanca bishii September ayaa ku qasabtay in madaxweyne Abdi Rabbi Masuur Hadi uu is casilo bishii January.

Halkan Ka Daawo.

Ku dhowaaqista warkan ayaa timid kadib markii uu burburay wadahadalo ay hogaanka u haysay Qaramada Midoobay. Xuutiyiinta ayaa u qabtay Arbacada xilli kama dambays ah in heshiis ay ku gaaraan xisbiyada siyaasadda dalka Yemen waxana ay ku hanjabeen in haddii heshiis la gaari waayo ay kaligeed go’aan gaari doonto.

Xuutiyiinta ayaa waxa ay go’aankan ugu dhowaaqeen madaxtooyada Jamhuuriga ee magaalada Sanca kulan ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen dad caan ka ah wadankaasi oo isugu jiray siyaasiyiin,Milatari iyo weliba qabaa’ilaadka dadka ugu waaweyn si ay u muujiyaan inay taageero ka haystaan shacabka dalka Yemen.

Hase yeeshee illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin Sunniyiinta sida weyn ugaga soo horjeeda Shiicada waxaana laga yaabaa in dagaalo sokeeye oo ku salaysan qabaa’il ay ka dilaacaan dalka Yemen.

Idale News Online, Sanca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here