Akhriso:Warmurtiyeed kasoo baxay Shirka Madaxda Dowladda iyo Maamul Goboleedyada

0
229

Muqdisho(INO)-Warmurtiyeed ka kooban 12 qodob ayaa kasoo baxay Shir mudo Labo maalin Magaalada Muqdisho uga soconayay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada.

  •  in la sameeyo Guddi Doorasho oo Madaxbanaan
  •  in la joogteeyo Kulamada Wada tashiyada Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, iyadoo lagu heshiiyay in kulanka soo socda lagu qabto Bisha April Garoowe.
  •  in Deeqaha lagu helo magaca Dowladda si siman loo qeybsado.
  •  Waxaa la isla gartay in la dhiso Guddi Wasiiro ah oo dowladda Federaalka iyo Maamulka ka socda kaasi oo dib u eegis iyo dardagalin ku sameynaya Hiigsiga New Deal si loo xaqiijiyo in deeqaha Caalamiga ah si siman looga wada faa’ideysto.
  •  waa in la dhameystiraa Maamul Goboleedyada harsan iyo Gudiyada Madaxa Banaan ee Dastuurka si loo dhameystiro hanaanka Federaalka.
  • waxaa la isla gartay Xubnaha dhami ay yeeshaan Xafiisyo u xilsaaran isku dabaridka deeqaha Caalamiga ah kuwaasi oo xiriir iyo wada shaqeyn la leh Heer Federaal.
  •  in si Wadajir ah Dalka looga suuliyo Kooxaha Argagixisada lana qaado talaabo kasta oo sahleysa isku socodka
  •  in la dadajiyo dhismaha Gudiga Dastuurka ee Amniga Qaranka
  •  inta laga gaarayo Dhismaha Gudiga Amniga Qaranka waxaa la isla gartay in la dhiso Guddi ka kooban Dowladda FD iyo Maamulada oo ka tala bixiya isku dhafka iyo Horimarinta Ciidamada Qaranka.
  •  waxaa la isku raacay in la meel mariyo dhamaan heshiisyada la galay.
  •  waxaa la isla gartay in laga shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa Kalsoonida iyo Midnimada Umada Soomaaliyeed iyadoo laga fogaanayo wax waliba oo carqalad ku noqon kara himiladaasi.
  •  Madaxda wax ay ka mahad celinayaan Kaalmada joogtada ah ee Beesha Caalamka ay la garab taagan tahay Soomaaliya, waxaana ay codsadeen in kaalmadaasi la kordhiyo lana joogteeyo.

1554493_864153403630556_3777603727187900612_n

10968496_864153400297223_6895323279342718439_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here