Ciidamada Dowlada Itoobiya Oo Gaarey Degaano ka Tirsan Gobolada Jubooyinka

0
211

Kismaayo (INO) — Ciidan ka socda dalka Ethiopia ayaa billaabay inay gaaraan Magaalada Xeebta leh ee Kismaayo, halkaasi oo sida Qorshaha uu yahay lagu bedeli doono Ciidankii Sierra Leone ee baxay dhawaadka Sanadkii 2014.

Teaser Image Ciidan Ethiopian ah oo kusii qulqulaya Kismaayo

Wararka Idale News Online  ay helayso ayaa waxay sheegayaan in 600 oo Askar Ethiopian ah ay tageen qeybo kamid ah Gobolka Jubbada Hoose Maalmahii lasoo dhafaay, iyagoo saldhigyo cusub ka samaystay Goobihii ay Ciidankii Sierra Leone ka guureen.

Axmed Madoobe oo dhawaan dhowr Jeer kuu laab-laabtay dalka Ethiopia ayaa ka codsaday Dowladda Ethiopia inay Ciidan usoo dirto Kismaayo, si aysan Kooxda Al shabaab Awooda uga fara-maroojin.

Ciidanka Ethiopia waxay ka yimaadeen dhanka Gobolka Gedo, oo Mudo ay ku sugnaayeen iyagoo halkaasi dalka uga soo galay Magaalooyinka xadka ku yaalla, si ay Danahooda u difaacaan.

Kenya ayaa sidoo kale u balan qaaday Axmed Madoobe inay Cutubyo kale oo Ciidankeeda kamid ah usoo dirayso Kismaayo, kuwaasi oo qeyb ka noqon doono kuwa hadda jooga.

Idale News Online – Kismaayo