Haween ka tirsanaa Milatariga oo ku banaanbaxay Madaxtooyada

0
272

Muqdisho(INO)-Banaanbax balaaran ayaa ka dhacey afaafka hore ee madaxtooyada dalka soomaaliya, isla markaana ay dhigeen haween ka tirsanaa  ciidamda militaarka ee dowlada soomaaliya, kuwaasoo horey looga saarey liiska ciidanka  soomaaliya.

ciidanka

Qaar ka mid ah Haweenka Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee horay shaqada looga fariisiyay ayaa maanta ku hor banaanbaxay afaafka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Haweenka ayaa iyaga oo ku socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Cali Sharma’arke  si ay cabashadooda ugu gubiyaan ayaa waxaa kala diray Ciidamada Amaanka ka dib markii ay qabqabteen qaar ka mid ah Haweenka.

Ciidamadii hore ee shaqada laga joojiyay oo ay ka mid yihiin Haweenka waxa ay ku andacoonayaan in si sharci ah aan loo marin shaqo ka joojintooda walina la qaato xuquuqdooda ama mushaaraadkooda.

Dowladda Soomaaliya ayey ka codsadeen Haweenka inay usoo dhiciso xaqooda, dowladda waxa ay horay u sheegtay in Dadkaan ay yihiin howlgab.

Ugu Dambeyntii Bartamihii sanadkii tagey ayey ahayd ka  dib markii dowlada soomaaliya ay ku sameeysay shaqo joojin ilaa iyo 700 oo  askari, kuwaasoo lagu eedayey in aanay gudaneynin shaqadii loo direy.

Idale News Online, Muqdish

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here