Daawo: Safiirka Turkiga Ee Sooomaaliya &Wafdi uu Hogaaminayo Oo Gaaray Baydhabo Janaay

0
269

Baydhabo(INO)-Olgan Bekar danjiraha dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Booqashada wafdiga ay ku tageen Baydhaba waxaa xaqiijiyay wasiirka macdanta iyo biyaha ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Maxamed Usama.

Safiirka Turkiga iyo wafdiga la socday waxa gegida dayuuradaha ee magaalada Baydhaba kaga hortagay oo ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wafdiga ka socda dawladda Turkiga ayaa la filayaa in mashaariic qeyb ka ah hawlaha ay Soomaaliya ka hayaan in ay ka billaabaan degaano hoos taga maamulkaasi.

wefdi5wefdi06wedi07wed08

wefdi01
wefdi3WEFDI 02wefe04wefe04

Idal News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here