Marka(INO)-Guddoomiyaha Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Cismaan Yariisoow, ayaa sheegay inay bilaabeen qaadista isbaarooyinkii yaalay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Marka iyo deegaanka Nambar konton ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Gudoomiye Maxamed Cusmaan Yariisoow, wuxuu sheegay in qaadista isbaarooyinka ay qayb ka tahay heshiiskii Magaalada Afgooye ay ku kala saxiixdeen beelihii ku dagaalamay Gobolka Shabeellaha hoose.
Sidoo kale Wuxuu sheegay in la nadiifin doono dhamaan isbaarooyinka yaalo Gobolkaasi, gaar ahaan kuwa yaala inta udhaxeysa Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose iyo deegaanka Nambar konton.
Ugu Dambeyntii, Gobolka Shabellaha Hoose ayaa inta badan waxa yaala isbaarooyin ay dhigteen ciidamo ku libesan dereeska ciidamada dowlada soomaaliya iyadoona shacabka ku safra Wadooyinka gobolku ay sheegeen in dhac iyo boob ay geysanyaan ciidamadaasi.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Marka,