Muqdiho(INO)Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay 10-ka Cisho uu dalbaday R/wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.
Waxa uu Proff. Dalxa sheegay inay muhiim tahay R/wasaaraha inuu la yimaado Xukuumad Tayo leh oo dalka iyo dadka Hogaan unoqon karta mudada uu qabsaday, isla markaana ku daalo inuu wada tashyo la sameeyo qiibaha kala gedisan ee bulshada rayidka ah iyo weliba siyaasiinta dalka.
Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay inay kula talinayaan R/wasaare Sharma’arke inuu ku qiimeeyo qofka uu xilka u dhiibayo Aqoontiisa iyo sida uu dalka ku hogaamin karo.
Mudane Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa Ra’iisul Wasaaraha sidoo kale ka dalbaday in uusan ka dib dhicin 10-ka Maalin ee Baarlamaanka uu ka Codsaday sidaa daraadeedna uu la yimaado Xukumadda ka gadmi karta Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed.
“Waa Hubaal in Is jiid jeedka jira uu Waqti badan ku lumay oo Howlihii Xukumadda ay gaabis ku imaatay,waxaa Ra’iisul Wasaaraha dalka laga sugayaa in uu keeno Xukumadda ka gudbi karta Arrimahaas oo dhan”ayuu yiri Prop. Dalxa.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online,Muqdisho