Taliska AMISOM Ee Gobolka Hiiraan Oo Xallinaya Colaad Beeleedyo

0
213

Hiiraan (INO) – Taliska Ciidamada AMISOM ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay Hadda Billaabayaan in ay Gogol Nabadeed dhex dhigaan Beelo Gobolka ku dagaallamay.

AMISOM_Maamulka_Hiiraan_2

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Taliska Ciidamada AMISOM ay Maamulka ka Ballan qaadeen in ay Xallinayaan Colaad Beeleed uu Maamulka Gobolku ku Fashilmay Xallinteeda.

Ciidamada Hiil Walaal ee Dalka Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday in ay Gogol Nabadeed oo Muddo Bil ah ay Wada Fariisin Doonaan Beelo dhowaan ku dagaallamay Gobolka, Dhamaan wixii Tasiilaad ah ayey sheegeen in Bixinayaan, si Labada Beelood ee dadka Badan isaga Dilay Gobolka welina Colaadda la taagan Xal kama dambeys ah ay u Gaaraan.

Muddo Bil ah ayuu sheegay Guddoomiye ku xigeenku in uu socon doono Dhamaan Beelaha Odayaashooda ayuu shaaca ka qaaday in la is Hor fariisin Doono iayadoo aan leysi Saamixina aan lagu kala Bixi doonin.

Idale News Online, Hiiran