Daawo Sawiradda: Jaamacadda USS Ee Baydhabo Oo Qabatey Kulan Cilmiyeed Oo Ku Saabsan Hormarinta Dhaqanka Suuban

0
211

 Baydhabo(INO) Waxaa maanta Jaamacadda Koonfurta Soomaaliaya lagu qabtay kulan cilmiyeed ku saabsan horumarinta dhaqanka suuban, kaasoo ay wadajir u soo agaasimeen Jaamacadda iyo hay’ad wadani ah oo lagu magacaabo NEW HORIZON.
Kulankan ayaa waxaa barnaamijyo cilmi ah kusoo bandhigay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ka yimid gudaha iyo dibadda dalka, waxaana goobjoog ka ahaa maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa kulanka ka hadlay guddoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Somalia, Dr. Maxamed Cali Kallaay, aqoonyahannada gobalka sida Fowzi Cabdi Nuur iyo agaasimaha hay’adda NEW HORIZON Maxamed Diini.

Dhinaca maamulka waxaa ka hadlay C/qaadir Sh. Cali Barre iyagoo sheegay in mar waliba loo baahan yahay dood-cilmiyeedyo ku saabsan horumarinta dhaqan suuban iyo sidii loo abaari lahaa waddada toosan ee hiigsiga nabada Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa cashar soo jiitay dadkii goobjooga ahaa oo dhan bixiyay aqoon-yahan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Isaaq, kaa oo si wanaagsan uga hadlay nabadda iyo dhaqanka faa’iidooyinka ay dadka u leeyihiin.

Halkan Ka Daawo Sawiradda.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here