TOP News:Maxaa ka socda Villa Somalia xili Xaalada ay qasan yahay?

0
258

Muqdisho(INO)-MD Somaliya, ayaa waxay bilowday dadaalo ay isaga qafiifineyso hujuumka ka soo wajahay Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Somaliya, oo si xoogan u saluugsan magacaabidda Golaha Wasiirada cusub.

Xildhibaano_muqdisho_ku_shiray_5

In ka badan 150 Xildhibaano oo ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa aragti mideysan kaga horyimid Golaha Wasiirada ee 12-kii bishaan uu ku soo dhawaaqay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Somaliya.

Madaxtooyada, ayaa waxay u yeertay tiro ka mid ah xubnaha hor boodaaya Xildhibaanada Baarlamaanka, ee ka biyo diidan inay meel mariyaan Golaha Wasiirada, ee uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Wararka waxay intaa ku darayaan in Madaxtooyadu ay dooneyso inay kasbato taageerada Xildhibaanada Baarlamaanka, ka hor inta aan la gaarin maalinta Sabtida, oo lagu wado in codka kalsoonida loo qaado Xukuumadda.

Villa Somalia, ayaa waxay dareensan tahay culeyska xoogga badan leh ee kaga imaanaaya Xildhibaanada boqolka ka badan, ee waxba kama jiraanka ka soo qaaday Wasiirada faraha badan, ee uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya.

Xildhibaan Mustaf Mukhtaar Guudow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu ku cago jugleeyay inay Sharciga la tiigsan doonaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihiisa, iskaba daayee kalsooni ay siiyaan Wasiirada.

Dadka odoroso Siyaasadda Somaliya, ayaa waxay kuu sheegayaan in markaan culeys weyn uu soo wajahay garabka Madaxweynaha Somaliya, ayna adkaan doonto in la kala fur furo Xildhibaanada.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here