Dhageyso:Xildhibaano Sheegay in aysan Kalsooni Heli Doonin Xukuumaddu

0
250

Muqdisho (INO) – Mudaneyaal ka Tirsan Baarlamaanka oo ku Kulmay Muqdisho ayaa sheegay in aysan u Qaadi Karin Shacabka Soomaaliyeed Wasiirada la Keenay.

Xildhibaan Mustaf Mukhtaar Guudow, oo Xildhibaanada oo Kulan ku qaatay Muqdisho u hadlay ayaa shaaca ka qaaday, in Xildhibano Tiradoodu Gaareyso 103 qof ay diidanyihiin Xubnaha Xukuumadda hadda lasoo dhisay.

Xildhibaano_muqdisho_ku_shiray_5

Mudaneyaashaas ayaa Beeniyay Hadal leysla Dhex marayay oo sheegaya in ay Lacag doon yihiin isla Markaana aysan wax dan ah oo Bulshada Soomaalidu leedahay, waxaana ay sheegeen in aysan Aqbali Karin in Dadka Dantooda laga Hor mariyo ilaa 4 Wasiir dantooda.

Xildhibaanada ayaa waxaa ay Diidanyihiin Mudaneyaasha kala ah, Xuseen Cabdi Xalane, C/kariim Xuseen Guuleed, Faarax C/qaadir iyo C/llaahi Sanbaloolshe, dhamaantood waxaa ay Mudaneyaasha Baarlamaanku u Heystaan in aysan Qaranka weyn Meteli Karin.

Halkan ka Dhegeyso.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here