Daawo: Wasiirka Hub-ka Dhigista, Dhaqan Celinta iyo Tababarada Maleeshiyada Dowlada KG Soomaaliya Oo Booqadey Xarunta Dhaqan Celinta Ee Baydhabo

0
223

Baydhabo(INO)- Wasiiraka Wasaarada Hub ka dhigista ,  Dhaqan celinta iyo tababarada maleeshiyada Ee dowlada koonfur galbeed soomaaliya mudane Xasan Xuseen Maxamed,  ayaa Booqasho ku tagey maanta xarunta lagu dhaqan celinayo maleeshiyaadka iyo  darba jiifta magalaada baydhabo, isgoona soo indha indheeyey xaalada ay ku sugan yihiin.

 Booqashada  waxaa ku wehelinayey wasiirada war faafinta iyo wacyigalinta bulshada  koonfur galbed soomaaliya mudane ugaas Xasan iyo xubno kale oo  ka tirsan xafiiska wasaaradda hub ka dhigista, dhaqan celinta iyo tababarada maleeshiyada.

Xaruntaasi ayaa waxa ku jirey in ka badan 117 Ruux  oo isugu jiro rag iyo dumar isla markaana ka soo goostey  ururka al-shabab ee ka dagaalama dalka soomaaliya, isgoona halkasi kala hadley maleesiyada .

Halkan Kaa daawo Video.

 

 Sidoo  kale wasiirku waxa uu sheegey in wasaaradiisu ay dhiira galin gaar ah iyo wliba Tababarada oo ay siineyso maleesshiyda, isla markaana tan iyo markii ay dhacdey dowladii DJSoomaaliya in aan jirin hub ka dhigis iyo daryeelida maleeshiyada ee degaanada Koonfur galbeed sooaaliya, waxa uu intaa ku darey inuu waxqab  la imaaneyso wasaaradiisa.

Wasiir Xasan xuseen ayaa  sheegey in wasiiradiisu ay xooga saari doonto  daryeelida   maleeshiyada isla markaana hada iyo waxii ka  dambeeya ay sii wadi doonto  taagyeerida  arimahooda, isla markaana mudnaan gaar ay siineyso wasaaradiisa.

Booqashadan ayaa ku soo beegmeysa xilli dhawaan la bilaabey la xisaabtanka wasaaradaha daowlada koonfur galbeed soomaaliya isla mrkaana qaar ka mid ah wasaaradaha KG soomaaliya ay bilaabeen  soo bandhigida wax yaabihiin u qabsoomey inta ay jireen, ayadoona wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo  tan maaliyada dhawaan warbixino looga dhageystey.

Ugu dambeyntii, Waxaa jiro tiro Dagaalno ka tirsan Kooxda Al-shabab ay  ka soo goosteen  iyo qaar ka mid ah darba jiifta maagaalada  baydhabo  sugan yihiin gudaha xaruntaasi kuwaasoo  wasaarada hub ka dhigista, dhaqan celinta iyo  tabaradda ay dooneyso inay siineyso mudnaan gaar .

Halkan Ka Daaawo sawiradda.

Idale News Online, Baydhabo.

 
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here