Xudur(INO)-Wararka ka imaanaya degmaqda Xudur ee Gobalka Bakool ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka jiro sarakac aad u baahsan, kaa oo ah dhanka raashiinka.
Mid ka mid ah ganacsatada ee ku dhaqan degmadaasi ayaa u sheegay Warbaahinta, in hadda qiimahii ugu koreeyay uu maryo raashiinka quudul daruuriga ah.
Sidoo kale Ganacsadahaan ayaa inoo xaqiijiyay in sababta tani ay lahayd Laba arin oo kala ah wadooyinka degmadaasi oo xiran iyo sidoo kale dadkii ku dhaqnaa deegaanada hoostaga degmadaasi oo halkaasi soo wada galay.
Halkan Ka Dhageyso Warbixin Wariyaheena Aadan Geesey Ka Soo Direy Magaalada Baydhabo Janaay.
Maamulka degmada Xudur ee gobalka Bakool waxa ay sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku furi doonaan wadooyinka gala degmadaasi oo muddo badan Al-shabaab ay xireen.
Idale News Online, Xudur, Bakool.