Qoryooley(INO)-Wareysi BBC-da ay la yeelatay nin isku sheegay inuu yahay Xoghayaha degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose ayaa eedeyn loogu soo jeediyey maamulka cusub ee Koonfur Galbeed inuu ka dambeeyo dil la sheegay in maanta odey iyo gabar loogu geystay degmada Qoryooley.
Wareysiga oo u muuqday mid dano gaar ah laga leeyahay ayaa wariyaha wareysigan qaadayey oo ahaa Farxaan Maxamed Jimcaale wuxuu la telefoon kula xiriiray nin heerkiisa mas’uuliyadeed uu hooseeyo “waa haddii jagadaasi jirtee” oo magaciisa lagu sheegay Aadam Dhegey.
Halkan Ka Dhageyso Codka.
BBC-da waxay ahayd inay la xiriiraan mas’uuliyiinta degmada Qoryooley sida Gudoomiyaha, si arimahaasi xaqiiqdooda ay u gaaraan, balse nin cuqdadeysan oo naceyb u qabo maamulka Koonfur Galbeed ayey wacdeen, sidaasi darteed waxaa la dhihi karaa BBC-da ayaa eedeyneyso maamulka Koonfur Galbeed.