Dhageyso:Saraakiil Dowladda Federaalka Ku Eedeeyay Mas’uul Ka Noqoshada Dhibaatooyin Ay Sheegeen In Ay Ka Jiraan Kismaayo

0
231

Kismaayo(INO)-Saraakiisha ciidamada xooga dalka ee ku sugan duleedka magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose qaarkood ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay mas’uul ka tahay dhibaatooyin ay sheegeen in ay ka taagan tahay magaalada Kismaayo.

kismaayo

Cabdiwahaab Cumar oo ka mid ah saraakiishaan ayaa isaga oo ku sugan duleedka magaalada Kismaayo lasoo xiriiray Goobjoog Fm, waxaana uu sheegay in maamulka Jubba ay dhibaato ku hayaan shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Dowladda ayuu sheegay in shacabkaasi ay ku eeganayso dhibaatooyinkaan islamarkaana wax walba ay iyada mas’uul ku noqon doonto.

Halkan Ka Dhageyso Codka.

“Xilli walba oo madax ama mas’uuliyiin ay yimaadaan magaalada Kismaayo shacabka waa la dhibaa, dil iyo Xarig ayaa loo geystaa, magaalada oo dhan ayaa la xanibaa, waxaas oo dhan waxaa mas’uul ka ah dowladda oo dadkaasi mas’uuliyadooda qaaday, waxaan leeyahay iyadaa raali ka ah in shacabka la dhibaateeyo” ayuu yiri Cabdiwahaab Cumar oo ka mid ah saraakiisha ciidamada xooga dalka ee ku sugan duleedka Kismaayo.

Ugu dambeyn sarkaalkaan ayaa ugu baaqay beesha caalamka in il gaar ah ay kusoo eegaan magaalada Kismaayo oo uu sheegay in xilligaan ay dhibaatooyin ka jiraan.

Dhanka kale maamulka KMG ee Jubba saraakiil ka mid ah oo aynu xiriir la sameenay si aynu u ogaano arimahaan Kismaayo laga soo sheegayo ayaa taasi been abuur ku sheegay.

Idale News Online, Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here