Kismaayo(INO)- Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya, wadahalado si toos ah u dhexmarayo maamulada koonfur Galbeed soomaaliya iyo maamuka jubba magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Wadahaladan oo bilaabadey saaka ayaa waxa soo baxaya arimo la isku afgartey iyo shuruudo aad u adag oo labada dhinac ay is hordhigeen.
Hogaamiyaha maamulka jubba Axmed madoobe ayaa si lama filaaan ah u hor dhigey shuruudo Adag wefdiga dowlada Koonfur galbeed soomaaliya.
Shuruudaha labada dhinac ay isku afgartern waxaa ka mid ah:-
- In Dadka ka soo jeeda Ogaadeen iyo Buraashleyda Harti kuna dhaqan Gobolada Bay iyo Bakool si cadaalad ah looga qiib galiyo hay’adaha kala gedisan ee maamulka koonfur galbeed soomaaliya, si taasi la mid ahna dadka ka soojeeda koonfur galbeed soomaaliya isla markaana degan degaanada Maamulka Jubbba si cadaalad ah looga qiib galiyo hay’adaha kala gedisan ee maamulka jubba.
Wefdiga Madaxweyne shariif xasan sheekh ayaa ku adkaatey arintan hogaamiyaha jubba la soo boodey taasoo ay dhalin karto dhul balaarsi horleh.
Maamulka axmed waxa uu sheegey in ay xaq iyo xalaal ay tahay dadka degan Degmada ceelberde, Caato iyo Yeed laga qiib galiyo siyaasada koonfur galbeed soomaaliya, kuwaasoo soo degan degaanadani 1976 isla markaana ka soo hiyaamey colaadii u dhexeysey dowladii itoobiya iyo JD Soomaaliya waagaasi.
Halkan Ka Dhageyso.
Si kastaba ha haatee, wefdiga koonfur Galbeed soomaaliya ayaa u muuqadaa mid looga adkaadey saaxada siyaasada isla markaana xuquuqdii ay raadineyeen cirku u calaamadeeyey hogaamiyaha maamulka jubba axmed madoobe oo siyaasadiisu ay ku dhisan tahay dagaal iyo caadhifad qabyaaladeed.