Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Laga Dalbaday Joojinta Colaada Gobolka Shabeellaha Hoose

0
189

 Muqdisho(INO)-Sheikh Cali Max’ed oo ka mid ah waxgaradka dhinacyada isku haya Sh/hoose oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo dhiiga shacabka ee sida micna darada ah ku daadanaya,wax walibana loo badalo wada hadal iyo waan waan in lagu idleeyo. 

shariif

Sheikh Cali Max’ed ayaa ka dalbaday madaxweynaha maamul Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan inuu ka dhabeeyo hadalkiisii ahaa inuu soo afmeerayo dagaalada sababay dhimashada,dhaawaca iyo barakaca dadka rayidka ee ka dhacay deegaano ka tirsan Sh/hoose kuwaasi oo wali xiisadooda taagan tahay.

Wuxuu tilmaamay waxgaradkaan waxa isdagaalaya ee is dilaya ay yihiin dad walaalo ah,islamarkaana loo baahneyn inay sii socdo dhiga daadanaya.

Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan oo dhawaan gaaray degmada Baraawe ee gobolka Sh.hoose ayaa shaaca ka qaaday inuu dadaal ku bixinayo sidii loo dhameyn xiisadaha colaaday ee ka taagan Shabeelada hoose. 

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here