Baydhabo(INO)-Waxaa lagu guuleystay maanta in gabi ahaanba lasoo afjaro dagaalo dhex maray beelo walaalo ah oo wada degan deegaanoka Manaas dhaca duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta Gobalka Bay, iyaga oo nabadda qaatay.
Wada hadalkaan waxaa soo qaban qaabiyay gudiga xalinta Khilaafaadka gobalka Bay, waxaana magaalada Baydhaba la’isugu keenay dhamaan dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay.
Halkan ka Dhageyso.
Wada hadal iyo gorfeyn ku aadan wixii lagu dagaalamay ka dib waxaa la wada qaatay Nabadda.
Mid ka mid ah waxgaradkii ka qeyb galay shirkaasi nabadeynta ahaa ayaa u sheegay Warbaahinta , in Beelahaan ay muddo dagaalamayeen, islamarkaana hadda lagu heshiiyay in dagaalka nabad loo bedalo.
Beelahaan dagaalamay ayaa markoodii hore isku qoomay arimo la xiriirar isku haysashada dhulal iyo sidoo kale wada deganaanshiyaha, waxaana dagaaladii dhex maray ay keeneen barakaca dad badan oo shacab ah.
Idale News Online, Baydhabo.