Cazza(INO)-Wararka laga helayo dalka Falastiin gaar ahaan magaalada Caza ayaa xaqiijinaya in Diyaaradaha dagaalka Dowlada Israel ay duqeyma xoogan ku weerareen.
Saraakiil u hadashay maamulka Dowlada Gumeysiga Israel ayaa sheegay in duqeymahan ay kadambeyeen, ayagoo sheegay inay beegsadeen fariisimo ay Xamas ku lahaayeen waqooyiga magaalada Caza.
Sidoo kale saraakiisha Dowlada Israel ayaa sheegay in shalay Jimcihii ay Sawaariikh ku soo dhaceen dhulka ay Yahuuda xooga ku heysato, oo aanu geysanin wax khasaara ah, in kastoo aanu masuuliyadda weerarkaas cidna sheegan.
Duqeymahan Diyaaradaha Israel ay ka geysanayaan dhulka reer Falastiin ayaa ah kuwii ugu horeeyay ee Qaza kadhaca tan iyo markii uu soo idlaaday dagaalkii 50-maalin socday ee Israel dhabar jabka ku keenay, kaas oo lagu wiiqay sheegashada abooda ciidan ee Yahuuda.