Sarkaal sare oo Ciidanka Dowladda looga Dilay Ceel-waaq Ee Gobolka Gedo

0
255

Ceel-waaq (INO) – Sarkaaal sare oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federal-ka ah ayaa Maanta ku Geeriyooday Dagaal culus oo ka Dhacay Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.

Teaser Image Sarkaal sare oo Ciidanka Dowladda looga Dilay Ceel-waaq

Dagaalkaan ayaa u Dhaxeeyay Ciidamo kala Taabacsanaa Taaliyaha Ciidamada Xooga Dalka ee Gobollada Jubooyinka iyo Gedo Janaraal Cabaas Ibraahim Gureey iyo Gudoomiye ku xigeenka Degmada Ceel-waaq Sahal Macalin Aadan.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Sarkaalka Geeriyooday lagu Magacaaabayay Faarax Cabdi, iyadoo sidoo kale Dagaalkaasi ay Askar kale Waxyeelo kasoo Gaartay.

Isku dhaca ayaa yimid Markii uu Janaraal Cabaas Ibraahim isku dayay in halkaasi uu ka Sameeyo Isbedel Xagga Maamulka ah, Taasna ay Sababtay in iska Hor imaad uu kala Kulmo Gudoomiye ku Xigeenka Degmada.

Xaaladda Ceel-waaq ayaa sida Warar ay Heleyso Keydmedia Online, ay sheegayaan ah mid Weli Kacsan, Waqti Kastana la Filan karo Dagaal Mar kale ka dhaca Magaalada.

Idale News Online – Xafiiska Baydhabo