Madaxweynaha oo Warqada aqoonsiga ka gudoomay safiirka Cusub Ee China

0
201

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Shiinaha ee uu hogaaminayay Safiirka Cusub ee dowladaasi ay u soo magacowday Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga.

Xasan iyo Safiirka  China

Kulanka uu la qaatay madaxweynaha dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu la qaatay wafdiga ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha waxaana ay isla garteen in si dhow ay u wada shaqeeyaan islamarkaana xiriir iskaashi uu u dhex maro.

Sii hayaha Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay In maanta madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga Safiirka Cusub ee Shiinaha ay u soo magacowday dalka  Warsame Geel jire, isagoo sheegay in ay ka wada hadleen madaxweynaha iyo safiirka sidii loo bilaabi lahaa mashaariicyo horumarineed oo Dowladdda Shiinaha ay ka fuliso Soomaaliya.

Ugu Dambeyntii Safiirka Cusub Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Warsame Geel Jire oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Soomaaliya loo soo magacaabo, waxaana uu sheegay in uu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dalka, iyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo laga fuliyo Soomaaliya.

Idale News Online, Muqdisho