Daawo Sawiradda: Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan oo gaarey degmada Xudur ee gobolka Bakool

0
316


Xudur(INO)-
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi  uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, iyadoo airport magaaladaasi ay ku soo dhaweeyeeen tiro dad ah oo soo dhaweyntiisa halkaasi loogu sii diyaargareeyey.

Mas’uuliyiinta gobolka, yo kuwa ciidamada Itoobiya ee AMISOM ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa soo dhoweynta wafdiga Hoggaamiyaha maamulka  Koonfur galbeed Mudane Shariif Xasan,waxaana Wafdigiisa kamid ahaa xildhibaan Xuseen Sheikh Maxamuud (Xuseen Badni), Wasiirkii hore ee Maaliyada ee Maamulkii KG ee 3da gobol Xasan Eelaay iyo sakaal sare oo ciidanka ka tirsan.

Soo dhoweyn ka dib ayaa wafdiga oo ay wehliyaan ciidamada Itoobiya waxaa loo gelbiyay gudaha magaalada gaar ahaan  xarunta maamulka halkaas oo uu kulamo kula yeeshay maamulka gobolka Bakool iyo saraakiisha ciidanka dowlada iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM ka tirsan isagoo ka xog wareystay xaaladaha Amni iyo tan bani aadanimo ee ka jirta guud ahaan gobolka Bakool.

Tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee koofur galbeed somaaliya ayaa waxa uu bilaabay kormeero uu ku sameeynayo deegaanada maamulkiisa uu ku talinyo.

Halkan Daawo Sawirada Maanta

DSC02427DSC02425DSC02413DSC02409DSC02400DSC02406

DSC02342 DSC02391 DSC02379 DSC02375 DSC02373 DSC02369 DSC02357 DSC02352 DSC02351 DSC02347

DSC02338 DSC02334 DSC02331 DSC02327 DSC02325 DSC02324 DSC02322 DSC02317 DSC02315 DSC02315 - CopyDSC02324.

  Wariye Cabdinuur Mayow Cali Idale News Online, Xudur, Bakool