DHAGEYSO:Suxufiyiinta Muqdisho oo Dalbaneysa in Xasan Xanafi Maxkamad la soo saaro

0
213

Kulankaan oo ahaa mid lagu soo dhaweynayo Qabashada Xasan Xanafi Xaaji oo ah Sargaal Shabaab ka tirsan islamarkaana Shabaab u qaabilsanaa Dilalka iyo Dabagalka Wariyaasha ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar kamid ah Madaxda Warbaahinta Dalka, Ururka Suxuufiyeenta Qaranka Soomaaliyeed Ee Nosoj iyo Wariyaal uu Dadkoodii Dilay Xasan Xanafi.

Ugu horeen Kulanka waxaa ka hadlay C/qaadir Maxamed Faarax”Dulyar” oo kamid ah Wariyaasha Soomaaliyeed ayaa Asna ka hadlay Kulanka waxaana uu dhankiisa Codsaday in Maxkamad la soo saaro si Danbiyada uu galay loogu qaado,isagoona u Tacsiyadeeyay Ehelada Wariyaasha Xasan Xanafi uu wax ka dilay iyo kuwii uu Shirqoolay.

Sidoo kale Agaasimaha Radio Kulmiye Cismaan C/llaahi Guure oo  ka hadlay kulankaas ay saxafiyiintu Yeesheen ayaa ka sheekeeyay Dilalka iyo Dhagarta Xasan Xanafi uu u geeystay Wariyaal badan,waxaana uu Codsaday in Sharciga la marsiiyo.

Xasan Xanafi

C/raxiin Ciise Cadoow oo ah Agaasimaha Radio Muqdisho ayaa Asna kulanka ka sheegay in Talaabada lagu soo qabtay Xasan Xanafi Xaaji ay soo dhaweynayaan,waxaana uu umahad celiyay Laamaha Amaanka ee Suuro galiyay in la soo qabto.

C/raxiin Ciise Cadoow ayaa sidoo kale Fariin u diray Maxkamadaha Dalka taas oo ku aadan in Maxkamadeeynta Xanafi Warbaahinta ay ka qeyb gasho si loogu Cadeeyo Dilalka iyo Danbiyada uu ka galay Saxaafada Soomaaliyeed.

Kulankaan lagu soo dhaweynayay qabashada Xanafi ayaa waxaa sidoo kale dadkii ka hadlay waxaa kamid ahaa Wariyaal iyo Ehelada Waryaal uu Shirqoolay Xasan Xanafi oo lagu dilay Soomaaliya gaar ahaan Maagaalada Muqdisho.

Maxamed Ibaarhin Bageystaan oo Asan Kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Wax lagu Farxo ay tahay in uu Gacanta Dowladda Soomaaliya Soo galo Xanafi oo loohaysto Shirqoolo iyo Dilal loo geeystay wariyaal badan.

Kulanka ayaa Gaba gabadii waxaa soo xiray Wasiir Kuxigeenkii hore ee Wasaarada Gacansiga Maxamed Axmed Xasan oo Dhankiisa soo dhaweeyay Qabashada Eedeeysane  Xasan Xanafi.

Sahal News Online, Muqdisho