DHAGAYSO: Maxa ay ka wada hadleen Beesha Caalamka iyo Madaxda dawladda Soomaaliya?

0
202

Muqdisho(INO)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamadii shalay dhexmaray Madaxda dawladda Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka, oo ka wada hadlay qorshayaal kala gedisan, kuwaas oo shalay oo dhan joogay casumada Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso

Wararka ayaa sheegaya in ay dhinacyadu isla soo qaadeen helida MAP cad oo ay ku wada shaqeynayaan Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha cusub ee uu keeni doono, waxa ayna ugu sheegeen in aysan Beesha Caalamku tageero badan u heyn doonin Raysalwasare iyo Xukuumad aan shaqeyn doonin.

News_live

  • In si deg deg ah lagu soo dhiso Xukuumad tayo leh, dalkana gaarsiisa doorasho deg deg ah.
  • In Raysalwasaaruhu noqdo nin aan lagu aqoon Musuqmaasuq iyo Lunsasho Hanti Umadeed.
  • In ay Beesha Caalamku noqoto cida leh masuuliyada ukala qeexida shaqooyinka ee Madaxda dawladda iyo qodobo kale ayaa laga wada hadlay.

Xubnahan yimid ayaa horay usoo gaaray Muqdisho, markii uu taagnaa khilaafkii Madaxda dawladda Soomaaliya, ee Raysalwasaare Abdiwali iyo Madaxweyne Hassan Sh udhaxeeyey.