Madaxweynaha maamulka koofur galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa markii ugu horeysay dalbaday in laga taageero la dagaalanka ururka Alshabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.
Shariif Xasan Sheikh Aadan, ayaa sheegay in deegaanada maamulkiisa uu ka arimiyo uu yahay mid amaankooda uu wanaagsan yahay, laakiin mararka qaar ay dhacaan weeraro ay Alshabaab geystaan.
Sidoo kale madaxweynaha maamulka koofur galbeed ayaa sheegay in deegaano uu ka arimiyo maamulkiisa wali ay ku sugan yihiin ciidamada Alshabaab, laakiin loo baahan yahay in taageero laga siiyo si Alshabaab ay kaga adkaadaan.
Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee dhawaan ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Muqdisho