Qaramada Midoobay oo shacabka ugu baaqday inay la shaqeeyaan laamaha amaanka

0
181
Muqdisho(INO)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki-moon oo ka hadlay weerarkii shalay ka dhacay agagaarka Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inaan wax badan loo dul qaadan karin weeraraada argagixiso ee nuucaani oo kale.
banki
Mr Bank Moon ayaa carabka ku adkeeyay si looga hortago weerarada Al-shabaab in Shacabka ay la shaqeeyaan Dowlada,islamarkaana hormuud ay ka noqdaan howlaha lagu sugayo amaanka.

Wuxuu sheegay xoghayaha guud Ee Qaramada Midoobay in la shaqeynta Shacabka ee Dowlada ay sahleyso la sameeyo dib u dhis iyo gaaritaanka barwaaqo Soomaaliyo idil.

Mas’uuliyada weerarkii shalay ayaa waxaa sheegtay ururka Al-shabaab oo shaaciyay in ujeedkii laga lahaa weerarkasi ay ka gaareen.

Dhanka kale,Dowlada Somalia ayaa sheegtay in askarta Dowlada fashileen weerarkaasi,islamarkaana waxyeelo ka soo gaartay mid ka mid ah askari goobta ka agdhaa iyo dad shacab ah.

Idale News Onlie, Muqdisho