Dhageyso:Wafdi ka socda Maamulka Gobalka Bay oo booqanaya Garoowe.

0
213

 Gorowe(INO)-Wafdi ka socda maamulka gobalka Bay ee dawladda Soomaaliya ayaa maalmihii udambeeyey booqasho ku joogay caasumada Puntland, waxa ayna ujeedadoodu ahayd sidii ay wax uga baran lahaayeen Hanaanka maamul iyo sida loo horumariyo gobalada, iyagoo ka qeybgalay kulan looga hadlayay horumarinta magaalooyinka Puntland.

hosow2

Gudoomiye kuxigeenka maamulka gobalka Baay oo hogaaminaya wafdigan ayaa sheegay in ay arkeen wax qurux badan, oo aysan fileyn, wuxuuna ku tilmaamay Caasumada Puntland in ay uqalanto xarun Soomaaliyeed, isagoo ugu yeeray dadku in ay ilaashadaan amaanka iyo kala dambeynta.

Halkan Ka Dhageyso

Wasiirka Arrimaha gudaha ee dawladda Puntland Axmed Elmi Osman Karaash oo wafdigan kusoo dhaweeyey caasumada Puntland, ayaa sheegay in ay diyar uyihiin in ay aqoontooda ku caawiyaan maamulada Soomaalida oo dhan.

Idale News Online, Gorowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here