Muqdisho(INO)- Magaalada Muqdisho Kullan Ay Yeesheen Maanta Oo Jimcaha Oo ay Taariiqdu aheyd 28/11/2014, oo ay isugu yimaadeen Qaar ka mid ah Dhalinyarada Beesha Hubeer Ee Ku Dhaqan gobolka Banaadir.
Kullankan oo ahaa mid deg deg ah oo aanan suuro galin in ay Dhamaan Dhaluinyarada badan kood ka soo wada qayb gallin balse ay soo xaadireen 11 xubnood.
1. Qaasim Maxamed Abukar Gudoomiyaha Dhalinyarada B.H
2. C/Raxmaan Maxamed Nuur (DOYOW) Gudoomiye ku xigeenka
3. Asad Abukar Cali (Dhayow) Xiriiriyaha Dhalinyarada B.H
4. C/llaahi Xasan Immaan Xubin
5. Mayow Maxamed Xasan Xubin
6. C/Qaadir Maxamed C/raxiin Xubin
7. C/Casiis C/laahi Maxamuud Xubin
8. Maxamuud Nuur Aadan xubin
9. C/Sallaan Saciid Sheekh Cali xubin
10. Axmed C/llaahi Maxamed xubin
11. Maxamed Xasan Axmed (MARAALLE) xubin
Kullanka oo looga hadlay arimo badan oo ku saabsan Gudoonka cusub ee Maamulka la wareeegay dhamaadki bishii Agoosto ee sanadka, Gudoomiyaha Dhalinyarada ayaa ka hadlay dib u dhac ku yimid kulamada Dhalinyarada Taasoo ay u wacneyd in Xildhibaan Samaan uu Dhalinyarada Xubnahooda ugu fir fircoon u dirsaday Howlo ay ka mid ahaayeen Dib u sixidda Dastuur ay ku dhaqmayaan Guuud ahaan Beesha Hubeer.
Intaa ka dib waxaa la isla soo qaaday dib u dhaca ku yimid Qaaraanka Dhalinyarada balse lagu balamay in bishan Diseembar Xubinkasta laga rabo sidii hore loo waday qaaraanka.
Intaa ka dib Gudoomiyaha ayaa waxa uu soo jeediyay in Maamulkii hore ay ku wareejiyaan wixii Documentis ahaa ee ay hayeen & qarashaadkii hore loo aruuriyay.
Qarashaadka ay dhalinyarada Beesha hubeer iska aruuriyaan ayaa lagu saacidaa Dhalinyarada Dhameesatay Dugsi sare ee aan awoodin Jamacadaha,taasoo looga bixiyo si toos ah balse sharuuddaha laga rabo uu buuxiyo taasoo ah in uu leeyahay Damiin si hadhow Qarashka laga bixiyay dib usoo celiyo ka dibna dadkale oo isaga la id ah fursad loogu siiyo.
Sidoo kale waxaa Ganacsi loogu furaa Dadka beesha ka tirsan ee aadka u liita ka dibna dib looga soo celiyaa si tartiib tartiib ah si dad kale Fursad loogu siiyo iyagana.
Dhamaan arimaha ayaa si Waafi loogu dooday waxa uuna kusoo dhamaaday si guul ah waxaana la isku af gartay in hada ka dib bilkasta qofkasta Awoodiisa uu kusoo Saacido Sanduuqa Dhalinyarada Numberka lagu balamay ee Qasnajiga Dhalaiyarada uu hayo waxaa laga dhigay 0616346957 Addeega EV
Idale News Online, Muqdisho