Booliska Beledweyne oo Muushar La’aan ka Cabanaya

0
185

 Taliska Ciidamada Booliiska ee Magaalada Baladweyne ayaa shaaca ka qaaday in Xilligaan ay soo Wajahday Mushaar la’aan, Taliska Booliska ayeyna ka Dalbayan in uu Mushaarkooda Siiyo.

Teaser Image Booliska Beledweyne oo Muushar La’aan ka CabanayaGaashaanle Dhexe Cali Dhuux Mahad Alle oo ah Taliyaha Ciidamada Booliiska Baladweyne, ahana ku Simaha Ciidamada Booliiska ee Gobolka Hiiraan ayaa u sheegay Warbaahinta, Mushaar ay qaataan aysan jirin tan iyo markii dib loo aas aasay ciidamada Booliiska Baladweyne.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada ay ku shaqeeyaan si iskaa wax u qabso ah, dowladana aysan waxba u tarin ciidamada Booliiska, isaga oo sheegay in aysan haysan agab ay ku shaqeeyaan.

Cali Dhuux ayaa si kulul u sheegay in dowladda ay ku sheegato oo kaliya, raadiyaha ay kula socodsiiyaan Marxaladda iyo 55 Askari oo Muqdisho loogu soo taba baray.

Mar uu dhanka hubka ka hadlayay ayuu sheegay in ciidamada Booliiska Baladweyne jooga aysan haysan hub ku filan, dowladana aanay weli ka helin hub ay ciidanka ku shaqeeyaan.

Idale News Online – Muqdisho