Cali dheere”anaga ayaa Dadka ku leynay Mandheera”

0
210

Afhayeenka Xarakada Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo la hadlay Warbaahinta Al-shabab ayaa sheegay in Al-shabaab ay leeyihiin Mas’uuliyada Weerarkii ka dhacay Duleedka Magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

CALI-DHEERE-1

Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in Weerarka ay ku Dileen 30 Ruux oo Saarnaa Gaari Bus ah oo u socday Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya,waxaana uu intaa ku daray Cali Dheere in Weerarkaasi ay ugu haargudayaan sida uu yiri Dadka Soomaalidaa ee Kenya ay Dishay.

“Al-shabaab ayaa iska leh Mas’uuliyada Weerarka Ciidamada Gaarka ah ee Shabaab ayaa Weerarka Fuliyay”ayuu  sii raaciyay Cali Dheere.

Waabarigii Saaka ayey aheyd markii Gaari Bus ah oo ay la socdeen Dad Kenyan ah oo ka qeyb galayay Xuska Ciida Kirishtaanka ay Weerar ku qaadeen Dagaalamayaan ka tirsan Shabaab oo ay Dileen ilaa 30 Ruux

 

 Idale News Online,Mandheera