AMISOM oo lagala xisaabtamayo falal ay ka geysato Marko

0
194

Marka(INO)-Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka carooday falal ay sameeyeen ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Marko ee gobolka Shabeelah hoose.

markacadey--620x330

Gudoomiye ku xigeenka amaanka ee Shabeelaha Hoose Cali Nuur Maxamed oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in maanta kulan gaar ah ay ka yeelan doonaan falalka ay sameeyeen ciidamada AMISOM marka qarax lagu eegto degmada Marko.

Wuxuu sheegay in AMISOM ay duqeyn geysteen marka qarax lagula eegto degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna sheegay in dad badan ay waxyeelo kasoo gaarto marka falkaasi ay sameeyeen.

“Waxaan Buulo-mareer kula kulmeynaa Saraakiil AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya, waxyaabaha ugu weyn ee ka hadleyno ayaa ah duqeymaha ay sameynayaan marka qaraxa lagu eegto degmada Marko”sidaasi ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka amaanka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha AMISOM ayaanan ka hadlin arinta inta badan lagu eedeeyo ee ku aadan in duqeymo ay ka geystaan degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose marka qarax lagula eegto.

 

 Idale News Online, Marka