Dhageyso:Maamulka Lixda Gobol Oo wada hadal ugu baaqay maamulka Sedaxda gobal ee Shariif Xasan

0
176

Baydhabo(INO)–Maamulka Madoobe Nuunoow uu hogaamiyo ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan maamulka Koonfur Galbeed ee Sedaxda gobal, islamarkaana uu hogaamiye u yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Cabdulqaadir AJuuke oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulkaasi ayaa u sheegay  Warbaahinta  in iyaga ay yihiin maamul ku yimid rabitaanka shacabka, balse aysan diyaar u ahayn in ay ka laabtaan mowqifka ay ka taagan yihiin arimaha Koonfur Galbeed.

Ajuuke ayaa sheegay in dhinaca kale ay wada hadalo la geli doonaan maamulka Jubbaland si ayuu yiri looga tashado israacidda maamulkooda iyo kan Jubbaland.

Magaalada Baydhaba waxaa dhawaan lagu doortay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Sedaxda gobal, waxaana loo doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo dhanka kale Magaaladaasi ay ku sugan yihiin maamul uu hogaamiyo Madoobe Nuunoow oo isna sheegaya in Lix gobal uu maamulayo.

Halkan ka Dhageyso

Madoobe NUUNOWIdale News Online,  Baydhabo