Baydhabo(INO)-Wararka ka imaanaya Magaalad Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in goordhaw magaaladaasi uu ka bilowd dibad baxyo rabshado wata ay dhigayaan Boqolaal dadweyne ah.
Dibad baxa ayaa ah mid looga soo horjeedo Doorasho la filayo in maanta ka dhacdo Magaalada Baydhabo oo lagu dooranayo Madaxweynaha uu yeelanayo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka kooban Sadaxda Gobol.
Dadka dhigaya dibad baxa ayaa xiray inta badan wadooyinka Magaalada Baydhabo , waxa ayna dadkan taayeero iyo waxyaabo kale oo holcaya ku gubayaan wadooyinka Magaaladaasi, waxa ay sidoo kale dadku ku qeylinayaan ereyo ka dhan ah doorashada ka dhaceysa maanta Baydhabo .
Dibad baxayaasha ayaa u badan taageerayaasha Maamulka Lixda Gobol ee Koonfur Galbeed, waxa uuna dibad baxan xoogan ee maanta ka socda Magaalada Baydhabo saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka Magaaladaasi.
Sida Wararka aan ku heleyno Dibad baxayaasha ayaa qorsheenaya in ay hor dhoobtaan halka ay maanta ka dhaceyso Doorashada lagu dooranayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya , waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka halka doorashada la filayo in maanta ka dhacdo.
Waxii Warar ah ee amuurtan kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.
Idale News Online, Baydhabo