Muqdisho(INO) Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay joojin doonto taageeradii ay siin jirtay dowladda Federaaliga ah ee Soomaaliya, maadama uu wali taagan yahay buuqii iyo murankii siyaasadeed ee u dhaxeeyay madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya.
In ku hanjabto Maraykanka inuu jarayo dhaqaalihii uu Soomaaliya siinjiray waxaa kalifay khilaafka wali taagan ee aan xalka loo helay, sidaasi waa yiri siyaasi Soomaaliyeed oo ku sugan magaladda Muqdisho.
Wakiilka Dowladda Maraykanka ee Somalia ayaa dhowaan ku fashilmay inuu ku guulaysto dhamaynta muranka siyaasadeed ee Villa Somaliya, taasoo soo dadajisay in Maraykanku uu ku hanjabo inuu xiriirka dhaqaaleed kala laaban doono.
Wararka la helayo ayaa sheegaya saacadaha soo socda inay Muqdisho imaan doonaan wafdi ka socda dowladda Maraykanka kuwaasoo la kulmi doono gudoomiyaha Baarlamaanka sidoo kale wararku waxay sheegayaan maanta oo Sabti ah inuu furmi doono fadhigii Baarlamaanka.
Idale News Online, Muqdisho