Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar, Saamix Shukri, ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in jaamacadda carabtu ay ka qeyb qaadato dadaalada dhex dhexaadinta dhinacyada khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca hogaanka, sida at qortay wakaaladda wararka Kuwait ee KUNA.
Wasiirka ayaa Sidoo kale ku sheegay Bayaan uu soo saaray in cawaaqib xun ay ka dhalan karto dhibaatada hadda taagan, taasoo horseedi karta inuu dib u dhac ku yimaado hannaanka dib udhiska Qaranka Soomaaliya iyo in la gaaro dib u heshiisiin qaran xilliga hiigsiga 2016-ka, iyo dhameystirka hay’adaha dowliga ah.
Shirka Masar ay ku baaqday ayaa yimid maalin kadib xiriir telefoon oo dhexmaray hogaamiyaha Masar iyo kan Soomaaliya.
Maalintii Sabtida ayaa madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo mdaXwaynaha dalka Masar Cabdulfataax AlSiSi ay telefoonka ku wadahadleen, sida ay qortay barta Adeega Warfaafinta Qaranka ee Masar (State Information Serive).
Afhayeenka madaxtooyada Masar Calaa Yuusuf, ayaa sheegay in labada hogaamiye ay ka wada hadleen arrimihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Masar ayaa aad u danaysa xaaladaha Soomaaliya, iyadoo labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo taariikhi ah.
Idale News Online