Daawo Video: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay Khilaafka Madaxweynaha kala dhaxeeya

0
213

Ra’isul wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Welli Sheikh Axmed Maxamed oo la hadlay Tv-ga eNCA oo laga leeyahay dalka koofur Africa ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in la dhameeyo khilaafka u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha dalka.

Halkan Ka Daawo Video

Ra’isul wasaaraha wuxuu sheegay in wax walba lagu dhameeyo wadahadal ayna jiraan xiriiro iyo wadahadalo u dhaxeeyo ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha dalka oo isku qabtay isku shaandheyn ra’iisul wasaaraha ku sameeyay golaha wasiirada.
“Kala duwananshaha aragtida waxaa lagu xaliyaa wadahadal iyo kordhinta wadahadalka , shalay waxaan ku sugneyn garoonka diyaaradaha waxan yeelanay xiriir waxan ka doodnay sida loo xalin karo kala aragti duwanaanshaha, sidaasi daraadeed todobaadyada soo socda waxaan rajeynayaa in horumar laga sameeyo”.
 RW
Ra’iisul wasaare Cabdi Welli ayaa wareysiga waxaa lagu weydiiyay balanqaadyadii amniga markii xilkan loo magacaabayay, wuxuuna sheegay in guulo laga gaaray arimaha amaanka.
“Waxaa jiro guulo la taaban karo oo amaanka ah oo Muqdisho iyo meelo ka baxsan ah oo laga xureeyay Alshabaab oo ay ku jirto xaruntii ugu weyneyd Alshabaab ay ku lahaayeen Baraawe ku dhawaad labo todobaad ka hor, waxaana jiro tiro iyaga kamid ah oo dhankeena yimid, iyagana hoos ayay usii dhacayaan, dhaqaalihii hoos ayuu kaga dhacay”.
Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Ra’iisul wasaare Cabdi Welli ayaa isku haya isku shaandheyn lagu sameeyay golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya.

-Idale News Online, Muqdisho