Meydka taliyihii Ciidamada Booliska Soomaaliya Generaal Maxamed Sheikh Xasan Ismaaciil ayaa maanta loo qaaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ku sheegay sababta loo qaaday meydka Generaal Maxamed Sheikh Xasan inay tahay sidii baaritaano buuxa loogu sameyn lahaa sababta ka danbeysa geerida gediska ah eek u timid marxuumka.
Madaxda Dowlada Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida marxuumka ku timid,iyagoo ku amaanay howshii adkeyd ee Qaranka u soo qabtay.
Geerida marxuumka ka dib ayaa waxaa soo baxayay warar isqilaafsan oo ku saabsan geerida gediska ah eek u timid taliyihii ciidamada Booliska Soomaaliya.
Ciidamada Dowlada ayaa durba ku dhaqaaqay baaritaan ay ku sameynayeen cisbitaalka uu ku geeriyooday Taliyaha iyo waliba dhaqaatiirtii ku howlaneyd daweyntiisa.
Idale News Online, Muqdisho