Baydhabo Janaay: Maamulka lixda gobol ee hogaamiyo madoobe nuunow maxamed,ayaa hada u muuqadaa mid siiquusayo,ka dib markii looga badiyey dhanka diblomaasiyada, waxgarad iyo siyaasiyiin ka soojeeda KG soomaaliya ayaa naawelayey mudo badan inuu taaba gallayo maamul ka kooban lix gobol oo ku yaalla koonfurta & koonfur galbeed soomaaliya.
Madoobe nuunow iyo kooxdkiisa ayaa isaga dhex jiraa xarunta ADC ,ayadoona Ciidankii ay tababarteena Ee GORGOR uu ka xeystay taliyaha ciidamada militaarka dowlada soomaaliya ee gobolka Bay Cornel Ibraahim Isaaq Yarow, ergooyin fara badan ayaa horey u soo janjeersadey dhanka maamulka seddexda gobol kuwaas iminka ka dhex muuqada shirks maamul u sameynta KG soomaaliya.
Waxgarad ku sugan magaalada baydhabo ee xarunta gobolka Baydhabo Janaay, isla markaana falanqeeya siyaasada ayaa u sheegey Shabakada Dhexdhexaadka Ahi Ee Idale News Online in kooxda madoobe nuunow uu hogaamiyo aad u nayajabeen maalintii talaada ee la soo dhaafey, taasoo ka dambeys, ka dib msrkii ciidamda ilaalada madaxtooyada soomaaliya Isla markaana aaney U Dhalan Degaanada KG Soomaaliya , la keeney baydhabo ayRasaas ooda ugu qaadeen taagyeeriyasha lixda gobol.
Ugu Dambeyntii, waxaan la ogeyn Inay ku Soo biiri doonaa maamulka cusub ee KG soomaaliya ee Seddexda Gobol, oo Dhismahiisu ka socodo Magaalada Baydhabo Janaay.
Idale News Online, Xafiska Baydhabo