Dhageyso: Ergada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Gudoomiye Doortey

0
198

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhaba ee Caasimada gobolka Baay ayaa sheegaya in Ergooyinka dhismaha maamulka Sedaxda Gobol ay xalay iska dhex doorteen Gudoomiye. 

Ergooyinka u fadhiya Ansixinta Dastuurka Sedaxda Gobol ayaa waxay Gudoomiyaha Ergooyinka u doorteen Sheekh Xasan Ibraahim (Lugbuur).
Doorashada oo aheyd mid gacan taag ah ayaa waxa Sheekh Xasan Lugbuur dooratay 370 qof.

Doorashadan xalay ka dhacday Baydhaba ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo wali magaalada Baydhabo uu ka taagan yahay muranka dhanka maamulka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoomiye Jawaari oo wada socda ayaa dhawaan Baydhabo ka furay wajigii labaad ee shirka maamul u sameynta seddexda gobo lee Koonfur galbeed Soomaalia.

Halkan Ka Dhageyso

KG SoomaaliyaIdale News Online, Xafiiska Baydhabo